Boggan waxaan ku sharixi doonaa sida loo codsado amaah CSN shatiga darawalnimada
Shakhsiyaadka doonaya in ay codsadaan liisanka wadista baabuurta ma haystaan miisaaniyad ku filan oo ay ku daboolaan casharradooda darawalnimada
Waxay rabaan inay helaan deyn ay ku daboolaan kharashaadka, waxaan arkay walaalo badan oo su’aalo weydiinaya
Marka la eego habka loo helo deynta, waxaan sharraxaad kooban ka bixiyay habka loo helo deynta iyo habraacyada loo raaco..
Marka hore qofka waa in uu ka diiwaan gashan yahay xafiiska shaqada muddo aan ka yarayn lix bilood
Si aad u hesho amaahda, waa in aad ka diiwaan gashan tahay qorshaha dejinta ama shaqo doon ahaan.
Warbixin guud
- Waxaad heli kartaa saddex lacagood, midkiiba waa 5,000 krone, taasoo la macno ah wadar ahaan 15 000 krone.
- Lacag-bixinta waxa lagu bixiyaa akoonkaaga ee maaha in lagu shubo akoontiga dugsiga.
- Dugsigu waa inuu u soo gudbiyaa warbixin ay ku jiraan kharashaadka iyo casharrada CSN.
- Mar kasta oo aad rabto inaad hesho casharo badan, u dir warbixin CSN si aad u hesho 5,000 oo krone kale.
- Amaahda shatiga wadista ma saamaynayso amaah kale.
- Xaq uma lihid inaad hesho amaahda shatiga darawalnimada haddii aad maalgelin ka haysato dhinac kale.
- Waxaad amaah ku heli kartaa casharada soo socda ee aad qaadato, maaha kuwii hore.
- Amaahda waxaad ku heli kartaa saddex qaybood, wadar ahaan 15 kun oo karoon oo keliya, hal mar.
Waxaad ka faa’iideysan kartaa deynta haddii aad u dhexeyso 18 iyo 48 sano, dulsaarkana waxaa loo arkaa mid yar, taas oo ah 1.74 boqolkiiba.
Marka wakhtiga lacag bixinta uu yimaado, oo ah 6 bilood ka dib laga bilaabo taariikhda aad heshay deynta, macluumaadka waxaa lagugu soo diri doonaa boostada.
Waxaad ku bixin kartaa qayb-qaybeed qiyaastii 4 sano ah oo ah 300 krone bishii, dabcan haddii aad rabto waxaad bixin kartaa in ka badan 300 oo krone.
Waa in aad codsatid lacag-bixintaada wakhti ku haboon oo aanad dib u dhigin codsashada haddii aad u baahan tahay
Sidoo kale ma codsan kartid wax lacag ah haddii aad ku gudubto imtixaanka aragtida iyo imtixaanka wadista ee dhabta ah oo aad qaadato liisanka darawalnimada.
Haddii aanad xisaab bangi ku lahayn mid ka mid ah bangiyada Iswiidhan, lacagta waxa laguu soo diri karaa qaab foojar ah waxaana laga bixin karaa xarun kasta oo la oggol yahay.
Kuwani waa dhammaan faahfaahinta muhiimka ah ee ay tahay inaad ogaato iyo sida loo codsado xiriirka soo socda:
Nasiib wacan